Cabsidu waa dareen dabiici ah oo jidhkeenu leeyahay si uu inaga ilaaliyo khatarta ina soo wajahaysa. Waxay la mid tahay nidaamka alaarmiga (Qayliya) ee lagu xiro ganacsiyadda waa wayn iyo xafiisyadda ka soo qayliya marka uu dab ama khatari ka dhex bilaabato goobta.
Maxaynu uga Cabsanaynaa Waxyaabaha inoo wanaagsan?
Xitaa marka shaygu ama ficilku uu yahay mid wanaagsan oo an facaya noolasheena, waxaa weli suurtagal ah inaan dareeno cabsi ,sababtoo ah maskaxdeena waxaa loo sameeyey, inay iska ilaaliso waxyaabaha aan la garanayn iyo wax kasta oo laga yaabo inay noqon karaan kuwo aan raaxo lahayn ama halis ah.
Tusaale :-
- Ka hadalka fagaaraha:
- Cabsida: Waxaa laga yaabaa inaad ka baqdo,inaad dadka hortooda ka hadasho.
- Inoo Wanaagsan: Waxay kaa caawisaa inaad aragtidaadda la wadaagto dadka , oo aad hesho kalsooni.
- Sababta Aynu U Cabsanayno: Waxaad ka walwalaysaa inaad qalad samayso, lagu xukumo, ama aad ceeboowdo.
- Barashadda Saaxiibo Cusub:
- Cabsida: Waxaa laga yaabaa inaad ka welwelayso inaad la hadasho dadka kugu cusub.
- inoo Wanaagsan: Saaxiibo cusub waxay ku siin karaan farxad iyo taageero.
- Sababta Aynu U Cabsanayno: Waxaad ka cabsanaysaa in lagu diido ama aad garanwaydid waxaad oran lahayd.
Sidee u joojinkartaa Cabsidda
Qodobbadan hoose waxay kuu sahlayaan inaadan marnaba ka cabsanaynin shey ama ficil noloshaada muhiim u ah, oo aad ogtahay in haddii aad tallaabo horey ugu qaaddid, aad u sii dhawaanaysid guusha noolashaadda.
- Ogow Inay Caadi Tahay:
Aqbal in dareenka cabsidu uu yahay mid dabiici ah. Dhammaan dadka oo dhan ayaa cabsada, laakiin marnaba yeysan cabsidu ka hor istaagin guusha noloshaada
- Neefsashada Dheer:
Sadex jeer Qaado neefsasho dheer oo gaabis ah si aad u dejiso maskaxdaada. Waxaadna dareemaysaa in cabsidii kaasii yaraanayso.
- Fikir Toosan:
U fakar si wanaagsan , kana saar maskaxdaadda fikir walba oo aan wanaagsanayn ama ka soo horjeedda wixii aad doonaysay.
Tusaale: Halkii aad oranlahayd “Ma samayn karo,” dheh “Waxaan awoodaa inaan sameeyo.”
- Tilaabo horey u qaad.
Si tartiib tartiib ah u wajah waxa aad ka baqayso, tillaabooyin yar-yar horey u qaad, Samee ficil , Ogow dhismo walba oo wayn waxaa laga bilaabay hal bulukeeti kaliya.
- Raadi Taageero:
La hadal saaxiibbadaa, qoyskaaga, ama qof walba oo aad taageero ka helikartid .
Talooyinkan fudud ayaa kaa caawinkara ,inaad si tartiib tartiib ah u yarayso cabsida oo aad u hesho kalsooni badan.
Fadlan waydii nafsadaada su’aashaan
“Maxaad Samaynlahayd hadii aadan cabsanayn? Maxaad ku guulaysanlahayd hadii aadan cabsanayn?|”
Mahadsanadiin
Fadlan Aragtidaada inoo reeb
Waa mowduuc wanagsan san
Cabsidu waa
Cabsidu waafsshhhbbnnhhnnnm
Mkkhiijgffyuufduikfzjjkoohgk
Cabdilaahi
Cabdilaahi