Kulanka xiisaha badan ee ku hardamidoonaan Hirshabele iyo Galmudug

Isticmaalka Aallada garaadka leh (Artificial intelligence) ee Garooonka Dhexdiisa

Kawaran Hadii Kulanka biri ee finalka u dhaxeeya Hirshabelle iyo Galmudug lagu isticmaalilahaa Aalada garaad leh ee Artificial intelligence side u caawinlahayd ciyaaraha Soomaliya ugana dhigilahayd kuwo lajaanqaadikara kuwa Caalamka laga ciyaaro sida premier league, Laliga ah iwm.

Biri waxa laciyaarayaa, kulankii ugu dambeeyey ee Finanka ee tartanka Maalmul goboleedyada iyo maamulka Banaadir, ciyaartaas waxaa iskugu soo haray kuna hardamidoona xulalka Hirshabeelle iyo Galmudug.

Aalada garaadka leh (Artificial intelligence) waxay badashay oo hormarisay ciyaaraha caalamka, iyada oo siisay aalado iy qalab (AI tools)  hormariyey sida loo ciyaaro ciyaaraha caalamka.

Qalabka (AI tools) la isticmaalo Ciyaarta ka hor :

  1. Hab ciyaareedka ciyaartoyga: (Player performance): Kani  waa qalab  ( AI tools) wuxuu falaqaynaya ciyaartoyga qaabciyaareedkiisa xiliga tababarka, wuxuu aruurinaya ciyaartoyga halka uu ku fiiicanyahay iyo halka uu ku liito,sida wuxuu ku fiicanyahay baaska gaagaaban lakin kuma fiicna baaska dhaadheer oo kale.
  2. Saadaaliyaha Dhaawaca (Injury Prediction): agabkaan wuxuu sii sheegaya marka uu ciyaartoyga halis ugu jiro inuu dhaawacmo, isaga oo lasoconaya dhaqdhaqaaqa iyo awooda ciyaaryahanka, Tani waxay labada kooxood ka caawin kartaa inay ka hortagaan ciyaartoyda muhiimka ah inay dhaawacmaan waqti muhiim ah.
  3. Taatikada Ciyaarta (Tactical Insights): Aalada garaadka leh (AI) waxa ay falanqayn kartaa kulamadii hore habciyaaroodkoodii iyo taatikada ay isticmaaleen macalimiintu , iyo koox walba halka ay ku xoogantahay , iyo halka ay ka daciifka tahay. Tababarayaashu waxay markaa u isticmaali karaan macluumaadkan si ay u horumariyaan xeelado iyo taatikis ku habboon kulamada dambe ee ciyaaridoonaan.

Kulanka Dhexdiisa:-

  1. Raad raaca habciyaareedka (Real-time Performance Tracking) : marka lagu jiro ciyaarta Aalada garaadk leh (Artificial intelligence) waxay lasocotaa dhaqdhaqaaq walba oo ay ciyaaryahanadu sameeyaan, sida baaska, shuulka isla waqtiga ay dhacayaan, taasoo ka caawinaysa Tababarayaasha iyo wariyaasha ciyaaruhu inay si fudud u falaqaynkaraan habciyaareedka ciyaaryahanada.
  2. Caawinta garsoorka(Refereeing Assistance):- Aalada garaadka leh ( AI tools) waxay ka caawisaa Garsooraha inuu gaaro go’aamo saxan, iyo in si fudud u hubinkaro hadii uu khalad dhaco, tani waxay ka dhigaysa ciyaarta mid si degan loo ciyaarayo, khaladaadka ciyaartana yareenaya.

Ciyaarta beri dhexmari doonta Hirshabeelle iyo Galmudug lama isticmaalidoono Aalada garaadka leh (Artificial intelligence tools for sports ), balse ciyaarta saameynteeda iyo xiisaheeda ayey leedahay, taaso soo jiidandoonta taageerayaal badan oo soo buuxindoona Garoonka lagu ciyaarayo

Fikradaad nala wadaag

Inagu soo biir si aad u heshid qoraalo ku xiisogaliya