Awoodda Ganacsiga: Sababta Ganacsigu uga Fiican Yahay Shaqo Joogto ah

Awoodda Ganacsiga: Sababta Ganacsigu uga Fiican Yahay Shaqo Joogto ah

Inta aad safarka nolosha ku jirto, go’aanka aad maanta qaadato waxay si weyn u saameynaysa mustaqbalkaaga. Sirta cusub oo aan ogaaday waxay muujinaysaa farqiga wayn ee u dhexeeya bilowga ganacsi iyo shaqo caadi ah (Shaqaalle). Billaha hore, shaqadu waxay u muuqataa mid faa’iido leh, laakiin mustaqbalka fog, ganacsigu wuxuu horseedi karaa guul dhaqaale iyo hormarnololeed.

Bal qiyaas laba saaxiibo ah, Maxamed iyo Axmed, labaduba waa shaqo la’aan, waxayna rajeynayaan inay nooloshooda horumariyaan. Maxamed wuxuu helay shaqo, wuxuuna hellaa mushahar joogto ah oo ah $500 bishii. Wuxuu dareemayaa hormar iyo farxad, isagoo og in uu leeyahay dakhli lagu kalsoonaan karo. Dhanka kale, Axmed wuxuu go’aansaday inuu ganacsi bilaabo. Bishii ugu horreysay, wuxuu kasbaday kaliya $15, oo u muuqata mid aan micne lahayn marka loo eego mushaharka Maxamed.

Si kastaba ha ahaatee, Axmed ma niyad jabin. Wuxuu fahamsan yahay in dhisidda ganacsi ay u baahantahay waqti iyo dadaal faran badan . Wuxuu naftiisa u huray inuu fahmo suuqa, soo jiito macaamiisha, hagaajiyo nidaam ganacsigiisa isagoo bartay sida ugu sahlan ee looga faa’iideysankaro baraha bulshada. Sanad kadib, dadaalka Axmed wuu miro dhalay. Macaamiishiisa ayaa kordhay, wuxuuna bilaabay inuu kasbado $1,000 oo faa’iido ah bishii. Dhanka kale, mushaharka Maxamed wuxuu ku sii nagaanayaa $500, iyadoo aan wax kordhin ah ama rajo koror ah lahayn.

Sheekadan ayaa muujinaysa cashar xoog leh: halka ay shaqadu bixinayso xasilooni dhaqaale oo degdeg ah, laakiin maleh suurtagalnimada kororka dhaqaale ee weyn mustaqbalka. Dhanka kale, ganacsigu wuxuu ku bilaabmaa si tartiib ah, laakiin wuxuu bixiyaa koror aan xadlahayn iyo fursad aad ku gaari karto xoriyad dhaqaale.

Markaan dib u milicsaday khibradayda, waxaan shaqaalle ahaa lix sano. Bilowgii, waxaan dareemay guul iyo xasilooni dhaqaale, anigoo helayey lacag in ka badan asxaabteyda oo weli shaqadoon ahaa . Si kastaba ha’ahaatee, waqti ka dib, waxaan ogaaday in dakhligaygu uu istaagay, iyo hamigayga guushana uu yaraaday. Waxaan ku xirxirmay isla booskii, waxaan qabanayay isla shaqadii, iyadoo aan wax horumar ah aannan gaarin.

Dhallinyarada ganacsatada ah ee Ku xiran Macadka SOM AI ACADEMY, sheekadan waa marag ku saabsan awoodda adkeysiga iyo aragtida. Bilowga ganacsigu wuxuu u muuqdaa mid cabsi leh, iyadoo aan wax faa’iido degdeg ah lahayn, Laakiin adkeysi, waxbarasho, iyo la qabsasho kadib, koritaanka faa’iidada ganacsigu waa mid aan xadlahayn. Mustaqbalka fog, waddada ganacsigu waxay horseedi kartaa abaalmarin dhaqaale oo weyn iyo qanacsanaan shaqsiyeed.

Macadka SOM AI Academy, waxuu aaminsanyahay taageerrida iyo garabsiinta dhalinyaradda leh fikrada-ganaci si’ay ugaaran mustaqbalka xoriyad dhaqaalle.

Hadii aad qorsheenaysid inaad billowdo ganacsi guulaysta waxaad billaabi kartaa koorsadda “Social Media Marketing for Entrepreneurs Using AI Tools” waxaad ku baranaysaa sirta iyo farsammada qarsoon ee aad ku billaabi kartid ganacsi ku soo saaraa $5,00 ilaa $20,000, lixda billood ee ugu horeysa inshaAllah.

Aragtidaaa hoos ku qor fadlan.

7 Comments.

  1. Masha Allah wax masheer yaro qaadatay waxba kugu so kordhiyan ganacsiga wax ka fiican malah

  2. Inshallah. Marka guul ayaa aynu ka gaadhi nolosha

Comments are closed.