SOONKA AYAAMUL BIIDKA (MAALMAHA CADDAHA AH)

Nabiga Alle (SCW) wuxuu soomijiray 13th , 14th iyo 15th bilwalba. Arabic ahaan maalmahan waxaa looyaqaanaa Ayyam Al-biid, taaso micnaheedu yahay maalmaha cadaha ah, ama habeenada dayaxa uu dhamaystiranyahay.

Maalmahee lasoomaa

sadexda maalmood ee soonka sunaha ee bilkasta waxaa lasoomikaraa, bilowga bisha, dhexbartank bisha ama dhamaadka bisha, laakin waxaa fadli badan ama fiican in lasoomo maalmaha dayaxu uu buuxo ama dhamaystiranyahay sida, ayaamaha cadcadka  13-ka, 14-ka iyo 15-ka.

Daliil

، عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ ـ رضى الله عنه ـ قَالَ أَوْصَانِي خَلِيلِي صلى الله عليه وسلم بِثَلاَثٍ صِيَامِ ثَلاَثَةِ أَيَّامٍ مِنْ كُلِّ شَهْرٍ، وَرَكْعَتَىِ الضُّحَى، وَأَنْ أُوتِرَ قَبْلَ أَنْ أَنَامَ‏.‏

Abuhurayra (RC) wuxuu leeyahay “Saaxiibkay (Rasuulka scw)  wuxuu ii dardaarmay sadex arimood, bilwalba inaad sadex maalmood ka soomo…

Rasuulku (scw) wuxuu yiri qofkii sooma sadex maalmood bilwalba wuxuu lamidyahay isaga oo soomay dhamaan sanadka oo idil.

`yacni , qofkii hal xasanaad sameeya waxaa looga dhigaya uga yaraan 10 xasanaad, sidaas hadii bishii sadex bari ka soontid waxay ka dhiganyaha adiga oo bishadhan soomay, hadii bilwalba saddex bari ka soontidna waxay ka dhigantahay adiga oo sanadka dhan soomay.

Caawa bisha waa 14ka –Rajab ee sanadka 1445, waa habeenada caddaha ah ee dayaxu buuxo, aanka faaiideysano soonka maalmahaan.

mahadsandiin